Qatar Airways oo dib u bilaabeysa duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday in 6-da September ay dib u bilaabi doonto duullimaadyadii ay saddex jeer toddobaadkii ku tegi jirtay Muqdisho.

Shrikadda ayaa haatan soo celisay duullimaadyadii ay ku tegi jirtay dhowr meelood oo Afrika ka tirsan sida magaalooyinka Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar.

Tan iyo intii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, shirkadda Qatar Airways ayaa si joogto duulimaadyo uga sameyn jirtay qeybo ka tirsan Afrika.

Shirkadda ayaa bishii la soo dhaafay dib u bilowday duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Jabuuti.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email