Qaraxyo waa weyn oo ruxay caasimadda dalka Lubnaan

Laba qarax oo waa weyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, kuwaas oo dhaawacay tobaneeyo qof, gilgilay dhismooyinka, islamarkaana qiic badan kusii daayey hawada magaalada.

Warbaahinta Lebanon ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasi oo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada.

Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan, Hamad Hasan ayaa sheegay iney jiraan dhaawacyo badan iyo khasaare baaxad leh.

Dhanka kale, ilo wareedyo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in 10 qof oo meyd ah laga soo saaray burburka dhismaha.

Waxaa la arkayey dad dhaawac ah oo waddooyinka socda, kuna sii jeeda xarunta caafimaadka Clemenceau, ayada oo qaarkood uu dhiig daboolay jirkooda.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaartay, ayada oo dhammaan qeybahooda hore ay burbureen, halka baabuur bandanna sidoo kale ay waxyeelo gaartay.

Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut.

Qaraxa ayaa ku soo aadayo iyada oo la filaya in maxkamad la soo taago afar eedeysane oo loo haystoo dilki ra’iisul wasaarihii dalkaas Rafiiq Xariri ee la dilay sanadkii 2005.

Eedeysanayaashaan ayaana joog joog ka aheyn maxkamadda.

Dhammaan afarta xubnood ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka hubeysan ee Xisbullaah oo Shiico ah. Ururkaan ayaa ah mid dhowr mar dagaal la gashay Israa’iil. Ururkaan ayaa waxaa taageero dalka Iiraan.

Voasomali

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email