Qarax meyd lagu soo xiray oo galaaftay nolosha masuuliyiin badan

Taliyihii saldhigga booliska deegaanka Goofguduud ee gobolka Xasan isaaq Xasan Baka, gudoomiyihii deegaankaas Isaaq Cali iyo ilaaladoodii ayaa ku dhintey qarax qof meyd ah lagu soo xirey, kaas oo ka dhacey deegaanka Goofgaduud oo 30Km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qaraxa ayaa waxaa kahoreeyay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaankaas waxaana weerwrkaas kadib saldhiga la weeraray tagay gudoomiyaha Deegaankaas Isaaq Cali iyo taliyihii Ciidanka Booliska Xasan Isaaq Xasan Baka, arintaas ayaana waxay keentay inuu ku qarxo qof meyd ahaa oo uu qarax ku xirnaa.

Qofkaan meydka ah oo weerarka lagu dilay ayaa waxaa ku xirnaa qarax taasoona keentay in masuuliyiinta deegaanka Goofgaduud ku geeriyoodaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email