Puntland oo beenisay in Marka lagu afduubtay xeebta Bareeda ee gobolka Gardafuu

Dowlada goboleedka Puntland ayaa beenisay in la afduubtay Markab xamuul oo marayey Marsada degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu, sida ay uu xaqiijiyey wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax.

Wuxuu sheegay in Markabkaan oo laga leeyahay dalka Panama uu kasoo shiraacday Imaaraadka Carabta isla markaana uu shidaal u wadey magaalada Muqdisho, balse cilad soo wajahday ugu soo leexday xeebta bareeda.

Wasiirku wuxuu intaasi raaciyey in markabku muddo saddex berri ah ku sugnaa xeebta, ayna markii ay ka shakiyeen u dirteen askar si ay u hubiyaan, balse nasiib-darro askartii loo diray ay hub kala dagtey.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay inay dowladu gacanta kusoo dhigi doonto askartaas, markabkana loo celin doono hubkiisa.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo dibada ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay baahisay warar sheegaya in markabkan la afduubtay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email