Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuntay rag ku eedeysanaa lunsasho hanti dadweyne

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukun xabsi oo u dhaxeeyo 10 sano ilaa Hal sano iyo bar ku xukuntay Afar eedeysane kuwaasoo loo heysto dambiyo isugu jiro is dabamarin iyo lunsasho hanti dadweyne.

Maxkamada Gobolka ayaana xukunada ku fulisay Afartaan eedeysane oo kala ah;

1-Maxamed Ibraahim ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah kadib markii lagu helay xatooyada $202,000 oo hanti dadweyne aheyd oo uu ku shubtay Qasandiisa gaarka ah.

2-Cali Shiekh Doon ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay falka xatooyo hanti dadweyne.

3-Aweys Xassan Cumar ka tirsan waaxda Xisaabaadka ee Wasaarada Warfaafinta ayaa isn lagu Xukumay hal sano iyo bar ka dib markii lagu helay wax is daba marin hanti Dadweyne.

4-Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii maxkamada Gobolka Banaadir xukuno xabsi aad u dhaadheer iyo ganaax lacageed ku xukuntay shakhsiyaad horay uga tirsanaa Wasaarada Caafimaadka kuwaasoo lagu heystay iney lunsadeen hanti dadweyne.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email