Sarakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu xukumay xabsi iyo ganaax lacageed

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaaadir ayaa lagu sheegay inay Maxkamadda ku heshay 3 qof oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Xatooyo xoolo dadweyne

Cabdullaahi Xaashi Cali oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayay Maxkamada ku xukuntay 9-sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Maxamuud Buulle Maxamuud oo ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Eedeysanaha Saddexaad oo lagu magacaabo Mahdi Abshir Maxamed oo ahaa Madaxa Xisaabaadka ee mashruuca Wacyigelinta Caafimaadka ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Maxkamadda ayaa sii deysay afar eedeysane kale oo lagu waayay wax caddeymo ah, iyagoo dib loogu celiyay xoriyaddooda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email