Mareykanka oo qaswadayaal ku tilmaamay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay iney ka shaqeeysay sidii aragti loo wada dhan yahay looga wada hadli lahaa miiska shirka Dhuusamareeb 3, balse aysan wax ka qaban karin kuwa ka maqan, ayadoona isla waqtigaas qaswadayaal ku tilmaantay.

Qoraal ay bartooda Twitterka soo dhigtay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri; “Qaswadayaasha diidan ka qeyb galka shirka waxay u baas baxayaan dimoqraadiyada Damacooda goonida ah. Dhinayacyadda shirka waxaa loo baahanyahay in ay horay u socdaan si loo helo hanaan waqtigiisa la isugu raaco.”

Safaarada Mareykanka ayaana qaswadayaasha ula jeedo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo lagu kari waayay ka qeyb galka shirka Dhuusomareeb 3.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email