Mareykanka oo dhaqaalihii ka jaray Itoobiya iyo saameyn daren oo ay ku yeelan doonto

Mareykanka ayaa hakiyay qaar kamid ah dhaqaalihii uu siin jiray Itoobiya sabab la xiriirta xiisada kiiska buuxinta biyo xireenka wabuga Niilka.

Wargeyska Foreign Policy ayaana sheegay in xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo uu saxiixay qorshe lagu hakinaayo lacag gaareyso $130M taasoo kamid aheyd dhaqaalaha uu mareykanka ugu deeqi jiray Itoobiya.

Lacagtaan oo loo adeegsan jiray arimaha amaanka, tababar siinta ciidamada, la dagaalanka argagaxisada iyo kahor taga tahriibka ayaana si toos ah loo hakiyay, waxayna tani dhabar jab ku noqon doontaa howsha dhismaha Ethiobia ee biyo xireenka Niilka Buluuga.

Saraakiil Itoobiyaan ayaana horay ugu eedeeyay Mareykank iney u xaglinayaan dhanka Masar, waxaana lawada ogyahay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Masar Cabdifataax Al-siisii ay saaxiibo dhaw yihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email