Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo kulan xaasaasi leh

Kulan Xaasaasi ah ayaa haatan lagu soo waramayaa in hoyga uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka daganyahay Magaalada Muqdisho ay ku leeyihiin Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Kulankaan oo sida wararka sheegayaan bilowday maqribkii ayaan la ogeyn ilaa haatan waxa ay ka wada hadlayaan Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh iyo taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin.

Ila lagu kalsoonyahay ayaase sheegayo in Fahad Yaasiin uu ugu tagay Xasan Sheekh sidii uu kala hadli lahaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub kaasoo ay saacado yar ka dhimantahay.

Fahad Yaasiin oo ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Farmaajo ayaana la aaminsanyahay inuu talo kuleeyahay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, waxaana si rasmi ah loo ogeyn in kulankooda uu ku qotomo la tashiyo la xariira soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email