Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo digniin culus u diray hogaanka Dowlada Federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ah Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus u diray hogaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga uga digay hogaanka Dowlada in dalkaan ay hog dheer ka ridaan asigoona sheegay in dalkaan ay ka keeneen meel aad u fog sidaas owgeedna aysan ogolaan doonin dib u dhac iyo in dib gadaal loogu celiyo halkii dalkaan laga keenay.

Qoraalka digniinta Shariif Sheekh halkaas hoose kaga bogo;

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.