Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay qaar kamida golohiisa wasiirada oo ay ugu horreeyaan Wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Hirshabelle iyo Wasiiru dowlihii Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa xilka Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Hirshabeelle loogu magacaabay Shuceyb Cabdikariin Muumin, isagoo bedelaya Saalax Maxamed Xasan oo hore u hayay xilkaas.


Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle u magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Ugu dambeyntiina Laamaha amniga Maamulka ayaa lagu amray inay la shaqeeyan Mas’uuliyiinta Cusub ee la Magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email