Madaxweyne Qoor qoor oo ka digay baaqashada shirka Dhuusomareeb 3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareeb 3 uu dhici doono xilligii lagu balamay, isagoo meesha ka saaray inuu dib u dhac ku yimaado Dhuusamareeb 3.


Madaxweyne Qoor qoor oo khudbad u jeedinaayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Turkey ayaa sheegay in uu la xiriiray madaxda shirka isugu imaan laheyd asigoona sheegay in shirka waqtigiisa ku dhici doono.

Qoor qoor ayaa sidoo kale sheegay iney muhiim tahay in laga fogaado waxkasta oo shirka Dhuusomareeb 3 carqalad galin karo, asigoona rajeynaayo in wax walba sidii la rabay kusoo dhamaadaan.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanayo kadib markii mudooyinkaan la isla dhexmaraayay warar ah in shirka Dhuusomareeb 3 uu baaqan doono kaasoo lagu balansanyahay 15ta agoosto oo ay afar maalin oo qura inaga xigto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email