Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabiley wakiilka cusub ee Itoobiya u soo magacaabay Somaliland ‘sawirro’

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

Kulankan madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama uu wakiilka yahay qof cusub oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca wakiilkana waxa ku wehelinaayey wakiil kuxigeenka iyo howl wadeenno ka tirsan xafiiska Itoobiya ee Somaliland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email