
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii saxiixay wax ka badalka sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo mudda badan u xayirnaa saxiixiisa kadib markii ay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ansixiyeen 8-da Luulyo 2019 iyo 14 Janaayo 2020
Sharciga maanta dhaqan galay ee saxaafadda ayaa waxaa in badan muran ka keenay Saxaafadda iyagoo si gaar ah walaac uga muujiyey qodobadaan soo socdo:
(1) – Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda.
(2) – Maxkamadda ku shaqada leh iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga.
(3) – Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira.
(4) – Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda.