Madaxweyne farmaajo oo magaca cusub u bixiyey magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacii ka bedalay caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kadib marka sida uu sheegay uu soo jeedin badan ka helay qaar kamid ah mas’uuliyiinta, waaxgaradka, siyaasiyiinta iyo dadka deegaanka.

Waxa uu qeexay in marka la eego dhawaqa magaca magaalada uu ka bedalanyahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

“Waxaa dhowr jeer soo jeedinta ah in magaaladan aan magaca ka bedalno iiga timid wax-garad iyo siyaasiyiin’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Magaca cusub ee magaalada ayaa ah “SAMAREEB’ Sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Durbaba, qaar kamid ah bulshada ayaa si weyn u hadal haaysa magacaan cusub ee uu madaxweyne Farmaajo u bixiyay magaalada.

Lama oga sida uu ku hirgeli doono magacaan cusub, maadaama muddo fog magaaladaas loogu yeeri jiray Dhuusamareeb.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email