Madaxweyne Farmaajo “Heshiis walba oo aan lagalno Dowlad Goboleedyada Golaha shacabka ayaan dib ugu soo celin doonaa”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad kooban ka jeediyay kalfadhigii Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in heshiis walba oo ka dhaca Dhuusomareeb kaasoo ay lasoo gaaraan Dowlad Goboleedyada ay dib ugu soo celin doonaan Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbadiisa ay aheyd mid kooban ayaa yiri; “Heshiis walba oo aan lasoo galno Dowlad Goboleedyada waxaan dib ugu soo celin doonaa Golaha Shacabka”

Madaxweynaha ayaana sidoo kale sheegay in Shacabka Soomaaliyeed awooda dib loogu celin doono, si ay u doortaan qofka ay doonayaan.

Farmaajo oo ay khudbadiisa aheyd mid kooban ayaa waxaa laga dhadhansan karay inuu wali doonayo doorasho qof iyo cod Shirka Dhuusomareebna ajandahaas la tagi doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email