Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaamiyaa oo u dhoofay Turkiga ‘sawirro’

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Qoorqoor iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Dalka Turkiga.

Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan; waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo maamul goboleedyada, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweyne Qoor qoor ugu ambabaxo dalka dibediisa tan iyo markii xilka loo doortay dhowr bilood ka hor.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email