Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in uu dalkiisa ka joojin doono isticmaalka TikTok

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan tallaabo adag ugu qaadi doono inuu dalkiisa Ka joojiyo isticmaalka Barnaamijka TIKTOK.

Saraakiisha Mareykanka iyo sharci dejiyayasha dalkaas ayaa isbuucii la soo dhaafay ka dhawaajiyay in cabsi laga qabo muuqaallada lasoo geliyo Aaladda TIKTOK in ay qalqal Ku abuuri karaan siyaasadda Mareykanka, isla markaana wuxuu mareykanku shiinaha ku eedeeyay inay aaladdan u sameysay dano gaar Ah.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa beeniyay eedeyntaas uu mareykanku u jeediyay wuxuuna sheegay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkoodii ahaa in aaladda Tiktok isticmaaleyaal badan ku yeelan doonaan gudaha dalka Mareykanka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email