Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis ku sameeyay qaar kamida Wasiirada maamulkaas

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Lafta Gareen ayaa xilalkii Ka qaaday qaar kamid ah golaha wasiirada isagoona kuwo kale cusub magacaabay.

Saalax sayid shariif ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta ee maamulka Koonfur Galbeed,

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Haweenka maamulka Koonfur Galbeed waxaana uu xilkaasi u Magacaabay Marwo Fahiima Cumar Cusmaan.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed Aweys Cusmaan Xuseen, Wuxuuna faray wasiiradaas Cusub iney si hufan iyo hagar La’aan u gutaan waajibaadka saaran Ee loo idmaday.



Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email