Madaxweynaha Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhaweeye Dhuusomareeb ‘sawirro’

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Madaxwayanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kuxigeenkiisa Cali Ciid iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa ku soo wajahan magaalada Dhuusomareeb madax iyo mas’uuliyiin faro badan oo ka qeyb galaya shirka Dhuusamareeb saddex. Madaxda la filayo ayaa waxaa ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamul goboleedyada dalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Bulshada Rayidka, mas’uuliyiin hore, marti sharaf, aqoonyahnno iyo waxgaradka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email