Madaxweynaha Galmudug Qoo-qoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmud Cabdikariim Guuleed oo Stanbull ku kulmay iyo waxay kawada hadleen

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan ku yeeshay magaalada Stanbull ee Dalka Turkey.

Cabdikariim Guuleed ayaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga kaga hadlay kulankaas iyo wixii ay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug, sidaan ayuuna u qornaa;

“Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh, Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro”ayuu yiri.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hadyaa Shirka Dhuusamareeb sida uu yiri.

“Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda”.