Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka Qadar oo Muqdisho ku kulmay ‘sawirro’

Xorriya Online: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Qoorqoor ayaa hoyga uu uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay safiirka dowladda Qadar u qaabilsan Soomaaliya, danjire Xasan Bin Hamsa Asad oo ay iska xogwareysteen xaalada dalka uu ku sugan yahay.

Kulankaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee dhexmara madaxwenaha Galmudug iyo safiirka Qadar

Madaxweyne Qooqoor ayaa sheegay in sidoo kale ay ka hadleen xaalada Galmudug oo hataan ay ka socdaan dib u hishiisiin balaaran iyo hormar baaxad leh.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

“Waxaa hoygeyga Muqdishu ku soo dhaweeyay safiirka dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya danjire Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayay, waxaan iska xogwareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magaalada muqdisho u joogay safar shaqo waxaana uu kulamo la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan madaxweynayaashi hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email