Madaxweynaha Galmudug iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Dhuusomareeb ku kulmay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Party Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xaruunta madaxtooyada Dhuusomareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug mudane Qoor Qoor.

Labada masuul ayaana kulankooda uga wada hadlay arimo badan oo muhiim ah sida guushii shirkii Dhuusomareeb 3 kaasoo war murtiyeed doorashada ku aadan laga soo saaray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si maamuus leh loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusomareeb ayayna sidoo kale asiga iyo madaxweynaha Galmudug kawada hadleen xaalada Galmudug iyo mida Soomaaliyaba.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana lagu wadaa in deegaan Galmudug uga sii gudbo dhanka Punland halkaasoo asiga iyo wafdigiisaba ku wajahanyihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email