Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Xorriya.com: Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Puntland, Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Muqdisho ee casimadda dalka.

Wafdi heer sare ah oo hordhac u ah imaatinkooda ayaa shalay galab soo gaaray magaalada. Waxaa la dareemayaa qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo madaxdaan lagu wado in maalinta berri oo Isniin ay yimadaan.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne farmaajo iyagoo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Xorriya.com

Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland ayaan ka qeyb galin shirkii Dhuusamareeb 3 iyagoo ka soo horjeestey dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirkaas oo ay ka qeybgaleen madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koofurgalbeed, gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo.

Beesha caalmka ayaa ku cadaadis xooggan saartay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, lana kulmaan madaxweyne Farmaajo si dalka ay uga dhacdo doorasho loo wada dhanyahay.

Wixii war ku soo kordho kala soco Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email