Madaxda Maamulka Puntland oo Garoowe kuleh shirar albaabada u xiranyihiin

Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa waxaa kasocda kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo ku saabsan arrimaha doorashada Faderaalka waxa uuna u dhaxeeyaa madaxda ugu saraysa Maamulka Goboleedka Puntland.

Shirkaan u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso Puntland ayaana waxa uu ka socdaa xarunta wasaaradda maaliyadda ee Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ku-xigeenkiisa ayaa xalay la kulmay qaar kamid ah Xildhibaannada, caawana waxaa lagu wadaa in uu la kulmo bulshada ra’yidka ah, ayagoona ka wada tashanayo xaalada taagan iyo waxa laga yeeli lahaaba.

Shirarkan ayaana wuxuu imaanayaa iyadoo hore xukuumaddu ay u caddaysay mowqifkeeda doorashada 2021-ka ee DFS ee kasoobaxey shirkii Dhuusamareeb 3 kaasoo sidoo kale ay goob joog ahaayeen madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email