Madasha Xisbiyada Qaran oo madaxweyne Farmaajo uga digay inuu sharciyeeyo guddiga garsoorka

Madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka, ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaanka loo maray meelmarinta xubnaha guddiga addeega garsoorka dalka, oo ay meel mariyeen golaha wasiiradda ee xasaanada lagala noqday.

Warsaxafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada ee hadda jira aysan lahayn awood ay wax ku meel marin karaan, waxayna madaxweynaha uga digeen in uu wareegto kusoo saaro guddigan.

Waxay sheegeen in xukuumada shaqadeeda ay tahay socodsiinta howlaha shaqo ee xukuumada inta lagasoo magacaabayo raysal wasaare cusub oo yeesha xukuumad cusub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email