
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay masuuliyadii qaraxa dhawaan ka dhacay Degmada Balad-Xaawo.
Maxamud Sayid Aadan ayaa sheegay in deegaanada Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq ay amnigooda gacanta ku hayeen maamulka Jubbaland hase yeeshee tan iyo markii halkaasi Dowlada Federaalka ciidamo geysay uu amnigooda hoos u dhacay.
Masuulkaan ayaana masuuliyada dhibaatadii ka dhacday deegaanadaas iyo amni xumada kajirto dusha ka saaray Dowlada asigoona sheegay iney gabtay masuuliyadii amni ee ka saarneyd deegaanadaas.