Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo war murtiyeed kasoo saaray shirkii Garoowe uga socday

Waxaa war murtiyeed laga soo saaray shirkii wadatashi ee u dhaxeeyay madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirka wadatashi ee u dhaxeeyay labada hogaamiye goboleed ayaa dhawaanahanba uga socday magaalada Garoowe asigoona shirkaan yimid kadib ka baaqsashadoodii Shirkii Dhuusomareeb 3.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka socday labada maamul waxaana diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada 2021, waxaa kaloo shirka Khadka taleefanka kaga qeyb qaatay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyaasha maamulada Galmudug, Hirshabeel iyo Koonfur Galbeed, ayadoona lagu heshiiyay in shirkale la isugu yimaado magaalada Muqdisho.

Hadaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkii ay soo saareen maamulada Puntland iyo Jubbaland;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email