Punland iyo Jubbaland oo ka qeyb gali doonin shirka Dhuusomareeb 3 iyo Sababta

Wararka laga helaayo magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo oo ah xaruumaha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegayo in Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe qaadici doonaan shirka Dhuusomareeb 3.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaayo sababta ay u imaan doonin shirkaas ay ugu weyntahay in dalka aysan ka jirin Xukuumad hirgalin karto heshiis kastoo dhaca maadaama meesha laga saaray xukuumadii Ra’iisul Wasaare Kheyre ayadoona si kumeel gaar ah loo magacaabay Mahdi Guuleed.

Sidoo kale maamuladaan ayaa saluugsan hadalkii Madaxweyne Farmaajo shalay kahor sheegay Golaha Shacabka sidoo kalana aysan marnaba ku kalsooneyn kadib riditaankii Kheyre labo maalin kadib heshiiskii Dhuusomareeb 2.

Hadiu ay maamuladaan qaadacaan Shirka Dhuusomareeb 3 waxay dib u dhac ku noqon doontaa geedi socodka heshiiska siyaasadeed ee Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada waxaana macquul ah in Beesha caalamka soo fara galiso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email