Galmudug oo cashuur dhaaf u sameysay ganacsaday iyo sharciyo cusub oo lagu soo rogay ganacsatada


Wasiirka maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug Farxaan Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in maamulka Galmudug uu dhimayo cashuuraha laga qaado gaadiidka adeegsada safarada dhulka gaar ahaan gawaarida.

Wasiirka ayaa arintan ku sheegay sababo la xariira in ganacsiyada dhammaantood la doonaayo in laga qaado cashuur, islamarkaana ay isasoo diwaangaliyaan.

Waxa uu sidoo kale wasiirku soo rogay sharci kale oo cusub oo qasbaya in goob walba iyo shaqsi walba oo shaqaale ah cashuur laga qaado iyo in maamulku durbadiiba ku guulestay diyaarinta nidaam maaliyadeed oo aan horay u jirin.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya in uu qaado cashuur ku filan si looga badbaado dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee soo wajahay deegaannada maamulkaas oo ragaadiyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email