Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay fadeexad iyo ceeb ku soo baxday

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhacay fashilkii ugu weynaa abid, kaddib markii uu sameeyay magacaabid sharci daro ah oo waqtiga taariikhdeeda dib loo dhigay (Back Date) iyadoo uu magacaabay in ka badan 27 diblomaasi oo loo qoray qaab aan waafaqsaneyn sharciga shaqaaleynta dowladda.

Waxaa la soo bandhigga ilaa 21 warqadood oo uu ku magacaabay shaqsiyaad aan ka mid aheyn shaqaalaha wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka soomaaliya.

Arrinta ayaa fajac ku noqotay Madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa ii xaqiijiyay in Danjire Cawad oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay gaartay fariin looga diray Villa Somalia oo isugu jirta canaan iyo inu si deg deg ah u soo galo Muqdisho.

Xigasho; Golf-yare

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email