Laamaha ammiga Dowlada oo qarxiyay Miino lagu aasay isgoyska Mirinaayada

Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay qarxiyay qarax miino oo la dhigay isgoyska Mirinaayada ayagoona gacanta ku dhigay qaraxaasi kahor inta aysan qarxinin kooxihii aasay.

Wararka aan heleyno ayaana sheegayo in ciidamada amaanka ay qarxiyeen miino nooca dhulka lagu aaso taasoo la dhigay isgoyska Mirinaayada, ayadoona laamaha amniga ku guuleysteen qarxinta miinadaas kahor inta aysan wax yeeleynin dadweynaha.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa aad usoo badanayay qaraxyada ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email