Kenya oo dib u bilowday dhismaha darbiga xadka ay la wadaagaan Soomaaliya

Dowlada Kenya oo labadii todobaad ugu dambeysay ciidamo ku daabuleysay xadka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaana dib u bilowday howshii dhismaha ee darbiga.

Howshaan dhismaha darbiga ayaana mar hore bilaabatay balse sanadkii 2018dii ayay Kenya joojisay dhismihii darbiga kadib markii ay wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya balse haatan ayay dib u bilowday.

Korney Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ku sugan gudaha Gobolka Gedo ayaana arintaas shaaca ka qaaday, asigoona sheegay in Kenya dib u bilowday dhismihii darbiga loona baahanyahay in laga hortago.

”Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago Kenya inay soo celisay darbigii, iyadoo ciidan badan geysay xadka labada dal.” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Kenya ayaana horay u sheegtay in dhismaha Darbiga ay uga gol leedahay sidii ay ku ilaashan laheyd amnigeeda ugana hortagi laheyd weerarada ururka Al-shabaab.