Kadib heshiiskii UAE iyo Israel Shirkadaha ganacsiga Imaaraadka iyo Israel oo bilaabay iskaashi

Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis ku saabsan cilmibaadhista cudurka Covid-19 ah la saxeexatay shirkad laga leeyahay israa’iil.

Heshiiskan ayaa dhexmaray shirkadda sameysa cilmibaadhista oo lagu magacaabo Terra Group oo fadhigeedu yahay Tel Aviv iyo shirkadda Imaaraadka, ee APEX.

Wakaalada wararka rasmiga ah ee Imaradka ayaa sheegtay in shirkada APEX ay la saxeexatay “heshiis istaraatijiyad ganacsi ” shirkadda Terra Group.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada shirkadood ay iska kaashan doonaan cilmibaadhista la xidhiidha feyriska faraha ba’an ku haya caalamka ee Coronavirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email