Iran oo qabatay Markab laga leeyahay Imaaraatka shaqaalihii saarnaana xabsiga u taxaabtay

Ciidamada Iiraan waxay shaaca ka qaadeen maanta oo Khamiis ah inay qabteen markab Imaaraatka laga leeyahay kadibna ay xireen shaqaalaheeda ayagoona ku eedeeyay ganacsi sharci darro ah kaasoo ay ka sameynayeen biyaha dhulka Iran.

Hadal qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan maanta soo saartay ayay ku tiri, “Isniintii Agoosto 17, Ilaalada Xeebaha Iran waxay xireen markab Imiraati ah oo si sharci-darro ah ku galay biyaha Iran waxayna sidoo kale xireen dhammaan shaqaalihii Markabka, ayagoona la marsiin doono xeerka .”

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran waxay farriin u dirtay dhammaan waddammada khaliijka, iyagoona carrabka ku adkeeyay “Iran uma dulqaadan doonto wax walba oo ku soo food leh muwaadiniinteeda iyo danaha ay ka leedahay biyaha gacanka khaliijka, waxayna qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu taageerayo doomaha iyo maraakiibta iyo muwaadiniinta Iran ee halkaa ku sugan”.

Arintaan ayaa kusoo aadeyso xili xiriirka Iran iyo Imaaraat uu sii xumaaday kadib heshiiskii Isreal iyo UAE ayadoona madaxweynaha Iran ee Ruuxaani uu heshiiskaas ku tilmaamay gaf weyn waxaana xigtay in Inaaraatka u yeeraan safiirka Iran u fadhiyo Abu Dhabi si ay su’aalo uga weydiiyaan hadalka Madaxweynaha Iran.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email