Dowladda Iran oo labo diyaaradood gurmad dagdag ah u dirtay Lubnaan

Madaxa Ururka Bisha Cas ee Iiraan, Karim Hamti, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah in ay Lubnaan u diri doonaan labo diyaaradood oo kuwa gargaarka ah dalka Iran kuwaasoo sida gargaar gaaraya 95 tan.

Madaxa Bisha Cas ayaa sheegay in labada diyaaradood ee reer Iiraan ay wataan 15 tan oo agab caafimaad iyo dawooyin ah, oo qiimahoodu dhan yahay 150,000 dollars, iyo 45 tan oo cunto ah, waxaana sidoo kale la sameyn doonaa isbitaal ay ka howlgali doonaan dhakhaatiirta Laanqeyrta Cas ee Lubnaan kuwaasoo ay wehlin doonaan 13 dhakhaatiir takhasus leh oo Iran ka socdo iyo 16 badbaadiyayaal.

Masuulkaan ayaa wuxuu intaas ku daray in Lubnaan ay caddaysay inaysan u baahnayn xeryo ama teendhooyin samaysan, sidaa darteed looma dirin agabkaas.

Karim Hemmati wuxuu yidhi: “Waxaan la joogi doonaa dadka reer Lubnaan, waxaanan u diyaarin doonnaa gargaar dheeri ah iyadoo loo eegayo xaaladaha garoonka iyo baahiyaha soo socda.”.

Lubnaan ayaa galabnimadii talaadada waxaa ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo ruxay caasimada Lubnaan waxaan qaraxaasi ku dhintay 135 qof halka 5,000 oo qof ka badana ay ku dhaawacmeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email