Ilhan Omar oo gaartay guul weyn oo muhiim u ah

Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Ilhan Omar ayaa doorasho adag la gashay dhowr musharax waxaana ugu saameyn badnaa musharaxa Antone Melton-Meaux, balse Ilhan ayaa codad badan kaga guuleysatay.

Gabadhaan asalkeeda Soomaaliya kasoo jeedo ayaa codeyntii la qaaday ka heshay in kabadan 90 kun oo cod halka musharaxa kusoo xigayna uu helay 62 kun ayadoona sidaas ku noqotay guuleystaha tartanka waana doorashadii labaad oo ay ku guuleysato.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email