Hogaamiya Mucaaradka Ruushka ee Alexel Navalny oo la sumeeyay

Hogaamiyihii Mucaaradka wadanka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu soo waramauaa in la sumeeyay asiga oo hada ku jira xaalad halis ah.

Hogaamiyaha ayaa wuxuu ka soo duulayay dalka Seberia isagoona u soo socday magaalada Moscow ee Caasimada Ruushka balse xaaladiisa caafimaad ayaa halmar is badashay asigoona loola cararay isbitaalka.

Alexei Navalny ayaa waxaa looga shakisanyahay in lagu sumeeyay waxyaabo loogu daray shaax uu cabay subaxnimadii saakay marka uu kasoo baxayay Serbia.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in suntu jirkiisa si dhaqsa ah ugu faaftay iyadoo hada isbitaalka lagula tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.

Ma jiraan warar intaas kabadan oo la heli karo taasoo ku aadan sababta loo sumeeyay iyo cida ka dambeysaba.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email