Haweeney Hargeysa ugu xiran calanka Soomaaliya dartiis

Hawaaneey lagu magacaabo Dagan Miiraash ahna hooyo dhashay afar caruur ah ayaa todobaadkii labaad ku xiran saldhiga dhexe ee Hargeysa ayadoona lagu heysto in qolkeeda jiifka ay ku xaradhay calanka Soomaaliyeed kadibna sawirro ay ka qaaday ku faafisay baraha bulshada.

Muuqaal Degan laga soo duubay ayay ku sheegtay ineysan wax dambi ah galin sidoo kalana ay mar walba ku hadaaqi doonto Soomaaliya ha noolaato taasina cid wax uga qaadi karto aysan jirin.

Haweyneydaan ayaa kasoo jeedo gobolka Owdal ee dhaca cirifka waqooyi galbeed ee Somaliland mana jirto ilaa iyo haatan wax maxkamad soo taagay ayadoona sheegtay in lagu eedeeyay qaran dumisnimo.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Somaliland qaab ceynkaan ah u xirto shakhsiyaadka sida bareerka usoo bandhiga mowqifkooda midnimada waxaana horay u dhacday in dhowr qof loo xiray.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email