Gudoomiye Cumar Filish oo sheegay Madaxda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug diideen doorasho qof iyo cod ah

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Cumar Filish ayaa daaha ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu qorshihiisa ahaa doorasho qof iyo cod mahor shirkii Dhuusomareeb 3.

Cumar Filish ayaa sheegay in asiga iyo Madaxweyne Farmaajo qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod balse ay kahor yimaadeen madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

“Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir wuxuu qorshahoodu ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay kasoo horjeesteen madaxdii Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed” ayuu yiri gudoomiye Cumar Filish.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ay in mudo ah isku dayayeen iney ka dhaadhiciyeen sidii ay ku qaadan lahaayeen doorasho qof iyo cod balse isbadal ay sameyn waayee.

Shirkii Dhuusomareeb 3 ayaana waxaa kasoo baxay doorasho u eg mid dadban ayadoona Vila Somalia badashay qorshaheedii ay ku doonaysay iney ku dhacdo doorasho qof iyo cod.

Waxaa sidoo kale shirkaas qaadacay maamulada Puntland iyo Jubbaland ayagoona war murtiyeed ay magaalada Garoowe kasoo saareen ku sheegay iney magaalada Muqdisho tagi doonaan halkaana Madaxweynaha DFS kula shiri doonaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email