Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa dib ugu soo laabtay magaalada kadib markii uu ka qeyb galay heshiiskii Shirkii Dhuusomareeb 3 inkastoo ay ka maqnaayeen maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Gudoomiye Cumar Filish ayayna soo laabashadiisa kusoo aaday sanad guuradii koowaad ee maalintii xilkaan loo magacabay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka Aadan Cade International kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha ayaana kamid ahaa saxiixayaasha Heshiiskii Dhuusomareeb 3 kaasoo war murtiyeed looga soo saaray nooca doorasho ee uu dalka gali doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email