Gudoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Sama-reeb ee xarunta Galmudug.

Guddomiyaha Aqalka sare ayaana waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad, Senataro, Xog hayaha Guud ee Aqalla Sare.

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Samareeb uga qayb galay munaasabada furitaanka kal fadhiga 2aad Baarlamaanka Galmudug, waxaana goob joog ku ahaa Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Sanataro, Wasiiro, maamulka caasimada galmudug iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email