
Gudoomiya Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu jabiyay Dastuurka dalka u yaalo kadib hadal jeedintiisii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka.
“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15 August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka” ayuu yiri gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray; “Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Feederaalka oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal”
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay ineysan jirin cid ka sareysa sharciga oo loo wasa simanyahay.