Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare oo soo dhoweeyay shirka Dhuusamareeb

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay fadhigiisa 3aad kulankiisa 7aad, uuna shir guddoominayay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay wada xaajoodka Dhuusamareeb ee ay marti gelisay dowlad goboleedka Galmudug iyo in la dhaqann geliyo qodobada ka soo baxa shirka.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abshir Maxamed Axmed, Abshir Buqaari oo kulanka marka uu soo gaba gaboobay kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu bogaadinayo gogosha Nabadeed ee ay dowlad goboleedka Galmudug u fidiyeen Ummadda Soomaaliyeed ee aayaha Soomaaliya looga xaajoonayo.

Qoraal laga soo saaray kulankan ayaa lagu bogaadiyay gogosha Galmudug ay dhigtey Dhuusamareeb waxaana lagu baaqay in kulanka Dhuusamareeb 3 lagu gaaro heshiis miradhal ah.

1 -Waxaan bogaadineynaa gogosha shacabka iyo dowlad goboleedka Galmudug ay u fidiyeen mas’uuliyiinta labada heer dowladeed, si ay uga wadahadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

2 -Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta labada heer dowladeed ee u madlan inay isugu tagaan shirka Dhuusamareeb-3, in ay ka wadashaqeeyaan qabsoomidda shirkaas, ahmiyad gaar ahna siiyaan ka qeyb galkiisa.

3 – Waxaan u soo jeedineynaa anaga oo maanka ku heyna ahmiyadda uu shirkaasi u leeyahay umadda Soomaaliyeed xilligan kala guurka ah, in mas’uuliyiintu ay ka mira-dhaliyaan shirkaas, lagana soo saaro go’aano dhaxal-gal ah oo dalka ka samatabixinkara xaaladan kala guurka ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email