Giriiga oo sheegay in diyaaradaha Turkiga ay kusoo xadgudbeen hawadooda

Mas’uuliyiin ka tirsan milatariga Giriiga ayaa sheegay in sideed diyaaradood oo milatariga Turkiga leeyihiin ay sameyeen tiro dhan 33 xadgudub oo ah hal maalin gudaheed ayagoona maalintii shalay oo Arbaco aheyd xadgudubyadaas geystay

Athens waxay xaqiijisay in nooca diyaaradaha F-16 iyo labo diyaaradood oo ah nooca CN-235 ay sameeyeen duulimaadyo aan la ogoleyn kaasoo ay ku dulmareen hawada jasiiradaha Waqooyi Bari, bartamaha iyo Koonfur Bari ee badda Aegah, halka ay sidoo kale ku xadgudbeen xaruunta macluumaadka Athens afar jeer.

Mas’uuliyiinta milatariga ee Giriiga waxay tilmaameen in diyaaradaha Turkiga la aqoonsaday lana eryaday iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah ee ku lug lahaanshaha xadgudubyada hawada.

Ma jiraan ilaa haatan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Turkiga oo ku aadan eedeyntaan Griiga usoo jeediyeen.