Baarlamaaka Soomaaliya oo diiday xeer kahor imaanayo Diinta Islaamka iyo buuq badan oo ka dhashay

Baarlamaanka Soomaaliya oo gabi ahaanba diiday hindiso sharciyeedka la xiriira Galmada kaasoo maanta la horgeeyay.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.

Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban, sidoo kale waxay diideen xataa in akhrinta koowaad la marsiiyo loona baahan yahay in marka hore wax laga soo badalo.