Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe oo maanta ka shiraya arimaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobe ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelaneyso xaalada Soomaaliya taasoo marxalasii gala guurka ku gudo jirto.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaana waxaa diirada lagu saari doonaa xaalada doorasho ee uu Dalka Soomaaliya gali doono dhawaan ayadoona kulankaan ay soo xaadiri doonaan beesha caalamka dalalka daneeyo arimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale loogu kuur gali doonaa shirka Dhuusomareeb 3 kaasoo lagu wado in laga soo saaro nooca doorasho ee uu dalka gali doono.

Arintaan ayaa imaaneysi xili Siyaasad Soomaaliya ay meel xaasaasi ah mareyso ayadoona lagu wado bilooyin kadib in dalka doorasho ka dhacaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email