Gacan ku dhiiglihii New Zealand Muslimiinta ku laayay oo la xukumay

Maxkamada New Zealand ayaa xukun xabsi daa’in ku riday ninkii sanadkii hore 51 qof oo Muslim ah halkaas ku dilay.

Ninkaan oo heysta dhalashada Australia ayaana sanadkii hore labo masaajid ee New Zealand ku yaalo xili salaada Jimcaha loo diyaar garoobayay 51 qof ku dilay, kadibna waxaa qabtay ciidanada booliska New Zealand.

Maalintii shalay ayayna maxkamada kiiskiisa go’aan ka gaartay ayadoona ku xukuntay xabsi daa’in iyo inaan xitaa cafis sharafeed lagu sii deyn karin, ayadoona garsooraha uu sheegay inuu yahay argagaxiye.

“Dembiyadaadu aad ayay u xun yihiin, xitaa haddii lagu xiro illaa aad ka dhimato, kuma filna ciqaabta aad mudan tahay.” Ayuu yiri Garsooraha Maxkamadda kahor inta uusan go’aankiisa ku dhawaaqin.

“Ficiladaadu waxay ahaayeen wax ka baxsan bani’aadanimada, mana aadan samayn wax naxariis ah. Ma tihid gacan ku-dhiigle oo keliya, balse waxaa tahay argagixiso.” ayuuna hadalkiisa sii raaciyay.

New Zealand ayaana kamid ah dalalka uusan ka jirin xukunka dilka, ayadoona xukunka ugu culus uu yahay xabsi daa’in.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email