Falanqeyn: Ra’iisul wasaare nuuce ayaa laga rabaa madaxweyne Farmaajo in uu magacaabo

Xorriya Online: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo sidoo kalena noqonaya kii labaad ee muddo xileedka Farmaajo.

Ra’iisul wasaarihii uu Farmaajo magacaabay markii xilka loo doortay Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamanku ay sheegeen inay xilka ka qaadeen 25-kii July.

Magacaabista cusub ee laga filayo madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay oo kaliya lix bilood.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Haddaba, ra’iisul wasaare sidee ah ayaa looga fadhiyaa madaxweynaha? Muxuu madaxweynuhu ka rajeynayaa ra’isul wasaaraha cusub, shacabkase maxay ka filayaan ra’isul wasaaraha soo socda?

Waxaa warbixintaan ka diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan oo ka tirsan wariyaasha ka howl galo idaacadda Voice of America qeybteeda afka Soomaaliga.

Xigasho: Voasomali

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email