Faahfaahinta Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho

Qaraxa xoogan ayaa wuxuu saakay ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka Eng. Yariisoow, Ex-Koonis.

Qaraxa ayaana waxaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, ayadoona warar hor dhac ah oo an helay ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Yaaqshid Muuse Geesey uu ka badbaaday qaraxaasi balse uu halkaas ku burburay gaarigiisii.

Muuse Geesey ayaana garoonka Eng. Yariisow u tagay ka qeyb galka kulan saaxiibtinimo ay degmadiisa ku ciyaareysay halkaas.

Qaraxa ayaa waxaa ku waxyeelobay dad rayid ah oo hoobta ku sugnaa ayadoona uu ay ku geeriyoodeen labo ruux oo midkood uu ahaa wiil Bajaajle ah iyo qof dumar ah.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay qaraxyada magaalada Muqdsiho ka dhaco ayadoona dhawaan qarax culus oo uu xigay weerar toos ah uu ka dhacay Elite Hotel kaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa 20 ruux halka dhaawacana uu 40 kabadnaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email